Sheekooyinka Chekhov oo tiro iyo tayoba lagu tilmaamo badweyn ayaannu akhristayaasha Af-Soomaaliga wax ku akhriya uga soo xulnay toddoba keliya oo aad u gaagaaban.Waxayna kala yihiin;- Nin Sanduuq Ku Jira (1898) tarjumid Rashiid Sh. Cabdillaahi- Gadhweyne- Cadrad Xusuusqorkeed (1883), turjumid Siciid Jaamac Xuseen- Aarsi (1886), turjumid Siciid Jaamac Xuseen- Qurxin (1884), turjumid Siciid Jaamac Xuseen- Geeridii Shaqaalaha Kreepikov (1883), turjumid Siciid Jaamac Xuseen- Buurane iyo Dhuubane (1883), turjumid Siciid Jaamac Xuseen- Canab Dawaceed (1898) , tarjumid Maxamed C. Xasan - AltoSheekooyinkani sharraxaad dheer oo faahfaahsan uma baahna. Badankoodu sannado aad isugu dhow ayey soo baxeen, astaamo guudna way wada wadaagaan. Sidaas darteed, tilmaan kooban ayaa innagaga filan wadarahaantooda. Qabso oo marka hore, way gaagaaban yihiin, fahamkooduna wuu fudud yahay.
Sheekooyin la Soo Xulay